Muqdisho, 21 November, 2005
Labadii nin ee saaka meydkooda laga helay Ex. Warshadii Kabka oo la aqoonsaday, maantana la keenay meydkooda xaafada Jen. Daa’uud

Muqdisho-
21.November.2005 Magaalada Muqdisho ayaa waxaa si kala gooni ah 24-kii saac ee la
soo dhaafey dilal fool xun loogu geystey dad rayid ah.
Saaka hiirtii waaberi ayaa waxaa lagu arkey wadada Warshadaha gaar ahaan
agagaarka Kuliyadii Culuunta siyaasada ee magaalada Muqdisho oo laba nin oo
dhalinyaro ah oo garbaduub loo xirey isla markaana Mindi ama toorey lagu
gawracey.
Labadan nin, oo lagu kala magacaabi jiray Xaji Salax Xaji Ibrahim Xaji Cali iyo
Abukar Xaji Xasan Xaji Cali ayaa sida warar aan la hubin ay sheegayaan waxay
kala ahaayeen darawal iyo kirishbooy, waxaana la sheegay in meydkooda la soo
dhigey halkaasi isla markaana ay yaaleen ilaa iyo waaberigii saaka oo ay qaateen
dad ehelo ay yihiin marxuumiinta sida foosha xun loo diley.
Isla maanta duhurnimadii ayaa dadweynaha xaafada Siinaay ee waqooyiga magaalada
Muqdisho waxay ku baraarugeen meydka laba qof oo si fool xun loo diley oo inta
la gawracey meydkooda la dhigey inta u dhaxeysa Suuq Bacaad iyo Siinaay, iyadoo
sidoo qof kale oo dhaawac ahaa laga ag helay dadkaasi meydka ahaa balse markii
dambe ku geeriyoodey Isbitaalka Keysaney
Ciidamada Maxkamada Islaamiga ah ee Siinaay ayaa waxay shaaca ka qaadeen in
falkan uu geystey nin la sheegay in dadkan uu gawracey uu waydiistey lacag baad
ah isla markaana ka kaxaystey gurigooda, dabadeedna unuunka ka jarey.
Taliyaha maxkamada islaamiga ah ee Siinaay Max'ed Max'uud Cayrow ayaa sheegay in
ninkii falkan bahalnimada ah geystey uu baxsadey oo ay ku raad joogaan, balse ay
soo qabteen Hooyadiis iyo gabar la dhalatey.
Dadkan maanta lagu gawracey Siinaay ayaa la xaqiijiyey inay yihiin dadka laga
tirade badan yahay, waxaana falka dilkooda si aad ah uga xumaadey dadweynaha
deegaanka oo ugu baaqey Maxkamada Siinaay inay soo qabtaan oo sharciga lala
tiigasado gacan ku dhiiglahaas.
Dilalka dadka rayidka ah lagula kacayo ayaa mudooyinkan waxay magaalada Muqdisho
ka noqdeen tusbax afka laga furey, tiiyoo meesha ay ka maqan tahay nidaam maamul
oo la xisaabtamaya dadka caadeystey daadinta bulshada rayidka ah ee raagta daran.
================================================================================================
Nin dhalinyaro ah oo ka soo jeeda beelaha an hubeysneyn oo maanta loogu dilay xabad sigaar ah duleedka degmada Yaaqshiid
Muqdisho, Nov 7, 2005
Xigasho, Dayniil
Marxuum la oran jiray Cali Cabdi Xaaji ayaa maanta lagu dilay xaafada Jungal oo ka tirsan degmada Yaaqshiid ee magaalaada Muqdisho, kaddib markii nin harqaanle ah ay isku qabsadeen xabbad sigaar ah, isla markaana uu xabbad bistoolad ka dhacday kaga dhuftay madaxa, halkaasoo marxuumka loola cararay isbitalka waxyar kaddibna uu u geeriyooday dhaawacii ka soo gaaray rasaastaasi.
Ninka falka geystay ayaa la sheegay in wali aan la qaban, iyadoo marxuumka geeriyoodayna uu ka soo jeeday beelaha aan hubeysneyn ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.
Dilalka macno darrada ah ayaa muddooyinkaan dambe ku soo badanayey magaalada Muqdisho, waxeyna inta badan ka dhashaan muranno dhexmara gacan ku dhiiglaha iyo marxuumka, halka sidoo kale dilalkuna ay ka yimaadaan aano qabiil.
Dadka ka soo jeeda beelaha aan hubeysneyn ayaa canbaareeyay falka lagula kacay marxuum Cali Cabdi Xaaji oo maanta lagu dilay degmada Yaaqshiid.
===============================================================================================
Gabar Uur leh oo saakay lagu dilay degmada
Waaberi ee magaalada Muqdisho
Muqdisho, April 22, 2005
Xigasho, Dayniile:
Gabar lagu magacaabi jirey Nimco Jeylaani, calooshana ku siday Uur 8 bilood ah ayaa saakay nin dabley ah oo ku hubeysnaa qori AK-47 uu ku toogtay nawaaxiga degmada waaberi ee magaaladan Muqdisho.
Marxuumada oo isla goobtii uu falkaasi naxdinta leh ka dhacay ku geeriyootay, ayaan si rasmi ah loo ogeyn sababaha keenay dilkaasii foosha xun, hase ahaatee warar dadka deegaanku ay isla dhex marayaan ayaa sheegaya in ay jirto xurguf hore oo ka dhaxeysey marxuumada la dilay iyo xaaska ninkaasi dableyda ah.taasoo loo aaneynayo in ninkaasii dableyda ah ay ku xambaartay in uu falkaasii dilka ah uu kula kaco marxuumadaasi.
Dadweynaha iyo waxgaradka deegaankaaasii ayaa falkaasii dilka ah aad uga carooday una cambaareeyey, iyagoo ku tilmaamay fal waxashnimo ah oo ka baxsan shareecada Islaamka iyo dhaqanka soo jireenka ah ee ummada soomaaliyeed, waxayna soo jeediyeen in sharciga la soo taago kuwa ku kaca falalka noocan oo kale ah ee arxan daradu ay ka muuqato.
Mar aanu saaka la xiriirnay xafiiska ciidamada madaniga ah ee deegaankaasi waaberi ayaa mas’uuliyiintii aanu halkaasii kula kulanay ay ka gaabsadeen in ay arintaasi wax faah faahin ka bixiyaan.
Dilalka noocan oo kale ah oo loo geysto dadka aanan waxba galabsan ee Birimageydada ah ayaa ah mid had iyo jeer ka dhaca dalka gudihiisa, tan iyo intii ay bilowdeen dagaaladii sokeeye ee dhacay dalka, iyadoo aysan jirin wax sharci ah oo ka jira meelaha qaar
====================================================================================================
Magaalada Muqdisho
oo afduub loogu heesto hooyo iyo sadaxdeeda ilmood ay dhashay
Muqdisho, Dec. 10, 2004.
Xigasho, Dayniile:
Baryahaan waxaa ku soo badanayey
magaalada Muqdisho afduubka loogeysanayey dadka marasta ah ee jilicsan ayadoona
aysan jirin cid isku xil qaantay oo wax ka qabato dhibaatada lagu haayo dadka
tabarta yar ee ku nool magaalada Muqdisho
Reerkaan afduubka loogeystay ayaa lagu tabayaa in abaha dhalay caruurta uu ku
nool yahay wadan kamid ah wadamada Yurub kasoo laga yaabo in uusan shaqeysan ama
uuba heysan nolomalmeydkisii .
Dadka afduubka loo heysto ayaa dhan tira ahaan 6qof xaaska uu qabo iyo sadax
ilmood uu dhalay iyo laba la dhalatay ninka dibada ku nool .
Dhacdaan ayaa laga codsanayaa in ay wax ka qabtaan maxkamada islaamga ah iyo cid
walba oo awoodi karta in ay badbadiyaan qoskaas sida sharci darada ah loogu
heysta meel kamid ah magaalada Muqdisho
===================================================================================================
Gabar uur leh ayaa loo dilay lacag kun shillin Soomaali ah!
Wararka ka imaanaya magaallada Beled-weyne, ee Gobolka hiiraan, ayaa sheegaya in habeennimadii khamiista, oo ay taariikhdu aheyd 30/1/2004, lagu dilay gabar magaceeda lagu sheegay Marxuun Raxmo, taasoo ahayd gabadh ka mid ah gabdhaha iibiya Biibitooyinka shaaha iyo sigaarkaba lagu iibiyo.
Marxuumadda ayaa sida la soo sheegayo waxaa muran xoog lihi uu dhex maray mid ka mid ahaa dhallinyarada sigaarka ka iibsan jirtay biibitadaas dilku ka dhacay. Gacan ku dhiiglaha oo la qabtay markii dambe ayaa ku dooday in ay gabadhu ay kalarka uga dhegtay isaguna uu isaga fujiyay tooreey dheer oo u xirnayd, isagoo ka daray caloosha!!
Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in ay ku murmeen waxaad ii dhiibtay 3,000 shillin Soomaali, iyo waxaan kuu dhiibay 4,000. Waxayna arintaan fajaciso ku noqotay dadka deegaanka.
Tan iyo markii ay dagaallada sokeeye dalka ka dhaceen, in badan oo shilal noocan oo kale ah ayaa ka dhacayay dalka oo dhan, iyadoo sannadkii 1994-kii ay 1,000-shillin oo Soomaali ay u dhinteen 8-ruux, markii uu muran dhex maray kirish-booyada baabuurta oo badankoodu ku hubeysan tooreyada islamarkaana haddii ay ka fursan waayaan geliya tooreyda rakaabka ay murmaan.
===========================================================================
Xasuuq xun oo loo geystay dad aan
waxba
galabsan oo ka dhacay magaalada Baraawe.
Baraawe
Sida ayaa sheegayaa wararka ka imanayo magaalada
Baraawe in shalay galab afartii iyo barkii galamnimo in lagu soo weeraray
gurigiisa nin u dhashay qabiilka reer Baraawe kaasoo ay soo weerareyn
maleysiyooshin ka amar qaato Cabdulaahi Xalane Dhuxuloow oo asaga ah ninka sida
xoogan ku heysto magaaladaasi Baraawe.
Werarka ninka loo geystay ayaa u dhacay sida tan kadib markii uu marxuunka ladiley isku dayey in uu soo iibsado Qaad kadib markii uu tagay goobta qaadka ayaa Naag kamid ah kuwa qaadka iibiyo ku sheegatay lacag dhan 30 kun oo shilin Soomali ah lacag taasoo u dhiginta hal doolar iyo bar ,muran badan kadib ayaa waxaa dhacday in uu marxuunka iska soo iibsado Qaadkiisa kadibna gurigiisa iska soo aado ayaa waxaa dhacday in ay Naagtii ay u qelo dhaansato ilama aderadeed oo aha kuwa sida xooga ah ku heysto magaalada Baraawe.
Ciidamadii ay soo wadatay Naagtii qaadka gadayesay ayaa duulimaad hubeysan ku soo qaaday marxuunkii ka soo jeeday beelaha aan hubeysneen gurigsa oo ku yaalo xaafada Albanba halkaas oo ay ku dileyn Marxuunka gurigiisa iska lahaa ayadoona lagu dhaawacay mid kamid ah maleysiyadii dulimadka soo qaaday kasoo waqti danbe u dhinta dhaawaciisii .
Xalay Saladii cisho kadib waxaa magaalada soo buuxiyey tigniko aad u farabadan oo ka amar qaadato Cabdulaahi Xalane Dhuxuloow oo ka soo jeedo beesha habar gidir /Ceyr asagoo dulimaad ku ah xaafad kamid ah xaafadaha Baraawe oo magaceyda la yiraahdo Baqdaad oo ah meeshii xarinta u aheyd Sheikh Aweys ,Ciidanka duulaanka soo qaaday ayaa ku furay rasaas oo aan loo kale abe yeelin , rasaastaas oo lala beegsaday dhaliyaro meel dukaan ah sheeko ku heysatay kuwaas oo beel ahaan kasoo jeday qabiilka reer Baraawe waxaana halkaas ku dhintay wiil kamid ah kuwa meesha ku sheekeysan haayey kasoo ay haleyshay rasaas ka soo dhacday qoriga loo yaqaano dhashiikaha , sidoo kale waxaana dhawac kasoo gaaray afar kale oo kamid ahaa dhalinta goobta fadhiday , laba kamid ah ayaa lasoo sheegayaa in uu dhawacoodu culus yahay mid kamid ahna uu ka goday labada lugood halka kankale uu ka goday hal gacan.
Arinta loo geysanaayo dadka reer Baraawe ayaa ah mid lagu caburinaayo si aynan u sameynin wax dhaqdhaqaaq ah ama ka hadal arimaha quseeyo deegaankooda.
===========================================================================
Nin u socday dukashada salaadda Subax oo la afduubay
Muqdisho 30/07/2003
Nin lagu magacaabo JEYLAANI MAXAMED SHIIQ (AACUUDI) ayaa la afduubay isaga oo u socda masjidka waqti ay tahay waqtiga salaada subaxa kadibna ay ka qabsadeen meel u dhexeysa gurigiisa iyo masjidka.
Kadib markii ay soo kexeysteen ayaa waxaa ku yimid afduubayaashii shil kadib markii baabuurka ay wateen iyo gaari koostar ah ay isku dheceen.
Kadib waxaa goobtii shilka kadhacay ka bilowday rasaas xoog leh oo ay is weydaar sadeen afduubayaashii iyo kuwii watey koostarka waxaana halkii dabada looga dhacay kooxdii afduubayaasha ahaa waxeyna kacarareen baabuurkii ay wateen oo noociisu ahaa caraasiida oo ay damacsanaayeen in ay ula gudbaan dhanka waqooyiga muqdisho.
Waxaana halkii gaariga yiilay oo ay kaga carareen loogu yimid Jeylaani Aacuudu oo ku dhexjira gaariga waxaana halkii lagu soo fakiyey Jeylaani oo loo celiyey gurigiisii.
Waxaan ilaa hada lagaraneyn sababta loo soo afduubtay ninkaasi ganacsadaha ah oo aan waba galabsan
Waxaa iyana laga afduubtay xaafadiisa nin lagu magacaabo
Eng- C/rashiid oo ah nin isagana injineer xaga dhismaha ah oo aan ilaa hada aan lagaraneyn halka ay la aadeen bucada afduubatay injineerka.
La afduubayaasha ayaa ah iyaga kuwo kasoo jeeda beelaha aan hubeysneyn ee benaadiriga ah. Waxaana ay afduubayaasha diirada saartaan marwalbaba dadka ah looma ooyayaasha ah ayuu yiri nin isaga magaciisa naga qariyey oo aan wax kaweydiiyey falka afduubka ah ee loo geysanayo dadka rayidka ah.
Mana aha falkaan midkii ugu horeeyey ee loogeysto dadka rayidka ah
=====================================================================================
Dilal kala duwan oo shalay iyo doraad ka dhacay magalada Muqdisho
Saddex qof ayaa shalay iyo doraad lagu kala dilay xaafadaha Yaaqshiid iyo Hodon ee magaalada Muqdisho sidoo kale waxaa shilkaasi ku dhaawacmay maalinimada shalay dilka ka dhacay degmada Hodon dhowr ruux oo kale.
Nin magaciisa lagu sheegay C/raxmaan Faroole ayey shalay dabley hubaysan ku dileen agagaarka Km4 ee ee degmada Hodon, halka shilkaasi ay 2 qofood oo kale ay ka soo gaartay dhaawac, waxaana geystay maleeshiyooyin watay baabuur tikniko ah oo doonayey in ay dhacaan baabuur yar oo uu saarnaa marxuumka
===================================================================================
Afduubkii 115-aad
LABA NIN OO HOR LEH OO BENAADIRIGA
SHALAY GALAB LAGA AFDUUBTAY…
Muqdisho 17/06/2003:-
C/qaadir
Sheekh Abuukar Mardaadi iyo Nuur Shariif Cadde ayaa si kala kala gooni ay
maalintii shalay abaarihii
C/qaadir Sheekh Abuukar Mardaadi ayaa laga
qafaalay isagoo maraaya agagaarka beerta Afisyooni, waxaanna la sheegay in ay
afduubteen koox ka dooneysa madaxfurasho.
Nuur Shariif Cadde oo isna ka mid ahaa qoyskii
reer sheekh Saqaawe ee dhowaantan ka soo guurey Mombassa
Labadan nin ayaa tirada dadka Benaadiriga ah ee
magaaladan muqdisho haatan afduubka loogu heysto waxey ka dhigeysaa 12 iyadoo
horey loo heystay tobad qofood oo Benaadiri ah halka tirada guud ee dadka
afduuban ay gaareyso 40 qofood marka lagu daro dadka ay beelohooda u afduubteen
in aay tikniko iibiyaan.
Afduubkan ayaa ku soo aaday iyadoo maalintii
shalay ay odayaasha beesha hawiye soo saareen baaq ay ku sheegayaan in ay
baneeyeen in la dili karo qof kasta oo qof kale afduuba.
Dadka benaadiriga ah gaar ahaan kuwa kibilka Cad
ayaa haatan waxaa soo wajahday cabsi balaaran iyagoo loogu soo xoomay sidii
xoolihii in loo iibsado.
“gibilkeyga maan bedeli karaa sideen Xamar ku
joogaa… ma daawo madoobeyso ayaan is marinaa…ma naqaano si aan yeelno” ayey yiri
Jiija Xaaaji Aweys oo ka mid ah dadkii deriska la ahaa Nuur Shariif oo deganaa
agagaarka Via
Qof kasta oo midbkiisu ifaayo wuxuu bilaabay inuu cabsado isagoo ka baqaaya in la afduubto isagoo loo maleynaaya inuu ka soo jeedo beelaha Benaadiri oo ay maleeshiyooyinka wax afduuba ka aaminsan yihiin in ay yihiin dad maal qabeeno ah xitaa hadii aysan heysan wax ay maalintaas quutaan
===================================================================================
Afduubkii 114-aad
Nin wadaad
ah iyo wiilkiis oo la afduubay
Muqdisho
Wadaad magaciisa lagu sheegay Sheekh Aadan Cali Xasan ayaa shalay subax 6:00 aroornimo laga qafaashay xaafada obosiibada Tokiyo ee degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.
Wadaadkan oo xilligii la qafaalanayay ka soo baxay masaajid u dhowaa gurigiisa oo uu ku soo tukaday salaada subax ayaa waxaa afduubkiisa geystay 3 dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa qoryo fudud, lamana garanayo meel ay la aadeen wadaadka, iyada oo wadaadkaasi wiil uu dhalay oo la yiraa Xasan horay loo afduubtay isna.
Falalka afduubyada ah ayaa beryahan si xawli ah uga socdo magaalad Muqdisho, iyada oo afduubyaduna haatan ay ku socdaan badi la weji oo kala ah.
Afduub lala beegsanayo dadka aanan beelahoodu ku hubeysneyn Muqdisho oo marka la afduubto lagu gor-gortamayo sii deyntooda si loogu qaato lacago madax furasho ah in la sii daayo & afduub ay wadaan maleeshiyo u dhalatay mid ka mid ah beelaha Mudulood oo afduub sandule ah ku fulineysa dadka beeshoodu u dhashay kuwooda lagu tuhmayo dhaqaalaha si ay wiilasha beeshaasi ugu gadaan hub & gawaari tikniko ah oo lagu difaaco qadiyada beeshaasi.
Dhanka kale, ganacsade lagu sheegay magaciisa Max’ed Xaaji Qaasim ayaa shalay maqribnimadii ay dableey hubaysan ka afduubatay agagaarka Suuqa Bakaaraha ka dib markii ay kooxahaasi hubaysan soo weerareen isaga oo u socda gurigiisa.
Ganacsadahaan oo ka soo jeeda beelaha aan hubaysaneyn ayaan la garaneynin meel lala aaday waxeyna warar ku dhow dhow sheegayaan in loo afduubtay madax furasho gaaraysa dhowr boqol oo doolar.
Inta badan shilalka afduubyada magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhaca dadka aan hubaysneyn lamana garanayo sababta maleeshiyooyinku ay dadka aan hubaysneyn markasta u afduubtaan iyaga oo ku tuhmaya dhaqaale waxaana muddooyinkaan dambe ku soo kordhayey afduubyada loo geysanayo dadka rayidka ah.
===================================================================================
Dilkii 201-aad
NIN CUNTO KARIYE KA AHAA DEKADDA BOOSAASO OO
TOOGASHO LAGU DILAY IYO WARAR KALE OO XIISE LEH
Boosaaso
Nin magaciisa lagu sheegay Cismaan Cock oo ka soo jeeda beelaha Jareer weyne ee dega Koonfurta Soomaaliya ayaa lagu dilay xalay maqribnimadii Dekadda Boosaaso ee gobolka Bari waxaana ninkasi dilkiisa ka dambeeyay mid ka mid ah ciidamada ka howl gala dekeddaasi.
Ninkaan ayey wararku sheegayaan in maanta lagu aasay magaalada Boosaaso iyadoo ninkii dilka geystay loo taxaabay xabsiga Boosaaso.
Lama garanayo sababta keentay dilka ninkaasi, iyada oo saraakiisha C/llaahi Yuusuf ay aad ugu xumaadeen dilka ninkaasi oo ka mid ahaa ciidamadii ka howlgalayay dekadda Boosaaso.
===================================================================================
Afduubkii 112-aad
INJINEERKII IDAACADA BANAADIR OO LAGU HAYSTO
XAAFADA TOWFIIQ EE DEG. YAAQSHIID
Injineer Shariif Max’ed oo isagu ah Injineerkii howlgeliyay idaacada Banaadir, kana soo jeeda beesha Carabta Soomaaliyeed ayaa in mudo ah lagu haystaa guri ku yaala xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid, sida ay noo xaqiijiyeen ilo ku dhow dhow deegaanka lagu haysto Injineerkaasi.
Beesha Carabta Soomaaliyeed ee uu ka soo jeedo Injineer Shariif ayaa walaac ka muujisay xaqdarada uu xorriyadiisa ku waayay aqoonyahankaasi oo ay sheegtay beeshu in uu ka mid ahaa waxgardkeeda, waxayna dalbatay in si shuruud la’aan ah loo sii daayo dhibanahaasi.
Dhinaca kale, beeshaasi ayaa u mahadcelisay hogaamiye kooxeedka Muuse Suudi Yalaxow oo codkiisa ku biiriyay sii deynta Injineerkii idaacada Banaadir.
===================================================================================
Dilkii 200-aad
MEYDKA WIIL YER OO SI XUN LOO DILAY OO LAGA HELAY AGAGAARKA ISGOYSKA BAKAARAHA EE DEGMADA HODAN….
Muqdisho 17/05/2003:-
Wuu ceejisnaa oo waxaa dhuuntiisa ka muuqatay dhibaato lagu gaarsiiyey faro bani’aadam wiilkaasi markii la helayey meydkiisa oo laga helay guri jajaban oo ku dhawaa gurigooda.
Wiilkan ayaa la sheegay in uu dilay nin maseyray oo qabay hooyadiis ka dib markii ay sidaas ku calaacashay hooyadii wiilkaasi dhashay oo ninkii ka dhalay ay goor hore kala tageen, wiilkedana uu heystay aabihiis.
Ninka dilkaasi lagu soo eedeeyey wuu dafiray eeda loo soo jeediyey ee ay u soo jeedisay xaaskiisa oo ah hooyadii dhashay wiilka la ceejiyey.
“maalin kasta ee aan dhaho wiilkeygii ayaa soo fiirinayaa, wuxuu I dhihi jiray wiilkaaga uma socotid ee aabihiis ayaad u socotaa, wuxuuna ii diidi jiray in aan wiilkeyga soo booqdo, shalay mar aan dhahay wiilkeygii ayaa soo booqanayaanna wuxuu iigu habjabay inuu wiilka iga dili doono” ayey tiri hooyadii wiilkaai dhashay.
Warar kale ayaa sheegay in wiilkaasi ay dishay haweeney uu qabay aabihis oo iyadana si aad ah u necbeyd, lamase oga cida dhab ahaan u dishay wiilkaasi dhimashadiisa ay ka timid cabsi badan oo la soo dderistay waalidiinta caruurtooda u dira dugsiyada iyo iskuulada.
===================================================================================
Afduubkii 111-aad
NIN XALAY FIIDKII DABLEY HUBEYSAN KA AFDUUBATAY DEGMADA XAMARWEYNE
Dabley aan heybtooda la garaneyn oo watay gaari noociisu yahay Toyota Cresidda ayaa xalay fiidkii 6:30 maqribnimo ee 16/05/2003 ka afduubtay nin magiciisa lagu sheegay Abuukar Muriiddi Abuukar (Doodi) agagaarka xaruntii Hore ee maxkamadda Sare ee Qaranka, haatana ah xarunta gobolka Banaadir ee dowladda KMG ah.
Illaa iyo hadda lama oga halka ay geeyeen Doodi, balse warar aynu ka helnay ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Doodi lagu sheegtay lacag aan la cayimin oo madax furasho ah, iyadoo todobaadkan gudihiisana Muqdisho afduub loogu heysto Sheekh Xasan Cabdilow oo lagu sheegtay lacag gaareysa $10,000 oo madax furasho ah.
Dhanka kale, Beelaha Qowmiyadda Banaadiriga Soomaaliyeed ayaa baaq ay soo saareen ku sheegay in dadka wax afduubanaaya dadkooda ay wax ka qabtaan, hadii kale cawaaqib xumo ay keeni karto, falkaas oo aan ku habbooneyn diinta Islaamka iyo bani'aadanimada.
Maalmahan dambe ayaa afduubka dadka rayidka ahi ku soo badanayay magaalada Muqdisho, iyadoo aysan jirin illaa iyo hadda cid wax ka qabaneysa amaba u taagan wax ka qabashadeeda, taasina ay keeni karto xasilooni darro ku baahda gobolka oo dhan
===================================================================================
Afduubayasha Muqdisho oo la soo baxay xirfado argagax leh. Ruunkinet 03/10/02
Magaalada Muqdisho oo baryahii dambe ku caan baxday afduubyo is daba joog ah ayaa waxa la sheegayaa in ay afduubayasha lasoo baxeen xirfado kale oo ay ku cadaadinayaan dadka ay soo qafaasheen.
Arrintan ayaa ah in xubin ka mid ah jirka qofka la gooyo ayadoo loo qabanayo waqti cayiman oo ilaa waqtigaas haddii uu ku dhiibi waayo lacag laga doonayo la goyn doono xubin ka mid jirkiisa.
Sida uu Ruunkinet u sheegay mid ka mid ah dadka la afduubay haddase la soo daayay oo ay arrintan qabsatay, diidayna in magaciisa la shaaciyo ayaa ku sheegay in gaar ahaan raga la leeyahay waxaan kaa goyneynaa xubinta dhalmada oo qof walba cabsi ku abuuraysa.
Daud Cali, Ruunkinet, Muqdisho