Ra`iisul Wasaare Geedi Oo Sheegay in uu Diyaar u yahay inuu la Kulmo Xubnaha Labada Gole ee Muqdisho

Ra`iisul wasaaraha DFKMG ah Porf: Cali Maxamed geedi oo Magaalada Muqdisho soo gaaray ayaa ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka Cisaley Airport oo duleedka ka xigta muqdisho , Ra`iisul wasaare Geedi ayaa waxaa soo dhaweyntiisa oo heer Qaran ahayd waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Mas`uuliyiin ka socotay Dowladda labadiisa gole Madaxda Gobolka Banadaair Bambayda iyo dadweyne aad u tiro badan.
Garoonka Madaxda ku soo dhaweesaay aya waxaa ka mida ahaa Ra`iisulwasaare ku xigeenka aha wasiirka arimaha Gudaha xuseen Maxamed Ceydiid iyo Duqa magaalada muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Xasan Cali (Cadde) iyo mas`uuliyiin ka socotay ururada bulshada iyo Ganacsato caan ka ah Muqdisho.
Ra`iisul wasaaraha ayaa markuu gaaray Hotelka Ramadaan ka dib u jaleecay isaga iyo wafdigiisa dhanka Villa somalia halkaas oo fariisin u ah wasiirka arimaha Gudaha Eng: Xuseen Ceydiid, Ra`iisul wasaaraha oo halkaasi Qudbad dheer ka jeediyay ayaa waxaa uu sheegay in ay kuturukuteen tahay wararka sheegaaya in uusan la kulmaynin xubnaha labada Gole ee muqdisho wuxuuna Carabka Ku dhuftay in uu ugu Baaqaayo kulan maalinta ugu soo horeysa oo uu la kulmaayo .
wuxuu kale uu sheegay in Xafiiska Dowladda ee Muqdisho in uu u yimid in uu dar dargeliyo balse uusan u imaanin in uu xafiis furo wuxuu sheegay in xafiiska dowladda uu shaqeenaayay uuna madax u ahaa Ra`iisul wasaare ku xigeenka xuseen ceydiid waa sida uu hadalka u dhigayee , wuxuuna mahadcelin u soo jeediyay Ra`iisulwasaare ku xigeenka Eng: xuseen ceydiid iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Xasan Cali (Cadde).
Ra`iisul wasaare geedi wuxuu intaas ku daray in loo baahan yahay in soomaalida ay danteeda garato oo aysan isku halayn gacan shisheeye, wuxuuna shacabka Muqdisho ugu baaqay in ay Dowladda ay la shaqeeyaan ayna garab istaagaan , wuxuuna shacabka uga digay in aan la marin habaabin.
Muuse Suudi Oo uga Digay IGAD in ay Shir Ku Yeeshaan Jowhar
Wasiirka ganacsiga DFKMG ee Soomaaliaya Al- Xaaji Muuse Suudi Yalaxow ayaa shaaca ka qaaday inuu ugu digaayo in wasiirada arimaha dibadda ee dalalka IGAD yimaadaan shir la sheegay in ay ku yeeshaan magaalada Jowhar, oo sida la qorsheenaayo la Iclaamiyay 9 bishan .
Muuse Suudi Yalaxow yaa sheegay haddii ay dhacdo arintaasi in ay sii xoojineyso khilaafka u dhaxeeya xubnaha labadda gole ee ku kala sugan Muqdisho iyo Jowhar, muuse suudi wuxuu intaas raaciyay in aysan faraha la gelin arimaha Dalalka IGAD iyaguna looga baahan yahay in ay dhexdhexaad noqdaan.
Wasiirka wuxuu sheegay inaan la isku dirin xubnaha labada gole ee Jowhar iyo Muqdisho , wuxuuna sheegay in aan Jowhar laga dhigin goob dagaal .
Muuse Suudi wuxuu sheegay in Ra`iisul wasaaraha uu iman karo muqdisho uuna u dhashay wax ka hor istaagi karana aysan jirin, Balse uu isugu ka mid ahayn dadka msoo dhaweyntiisa qeyb ka qaadanaaya.
Warkii 3aad
Maxamed Qanyare" Waxaan Kulmaynaa C/laahi Yuusuf iyo Cali Geedi Markii ay sharciga ku soo laabtaan"
Wasiirka arimaha amniga qaranka Maxmed Qanyare Afrax ayaa waxaa uu hadal uu saxaafadda siiyay ku sheegay in uu aad uga xun yahay qaraxa dhacay markuu imaanaayay Ra`iisul wasaare Geedi , wuxuu sheegay in ay waxaasi aysan ahayn wax bini`aadanimada ku fadhida iyo ilbaxnimadaba waxna la isku qaban karo lakiin arimahaas oo kale ay yahiin fal aad looga xumado .
Maxamed qanyare ayaa sheegay in uusan garan karin waxa ka danbeeya falkaasi foosha wuxuuna tibaaxay in uu yahay wax bini`adanimada ka fog in miino la aaso .
" Jowahar iyo Xamar aan kala joognay Naiarobi aan ku kala soo tagnay arimo quseeya sharciga lama xalin markii ay sharciga ku soo laabtaan ayaan kulmaynaa cabdullaahi Yuusuf iyo Cali Maxamed geedi" sidasna waxaa carabka ku dhuftay Qanyare oo intaasi ku daray in ay sharciga hareermareen inta ay sharciga ka wareegayaana uu la kulmi doonin.
Waxa ay ka danbeeyeen waa wax aan socon howsha Dayniile Airport-na wuxuu u socdaa si waafi ah ayuu Qanyare ku nuuxnuuxsaday, Wasiirka Amniga Maxamed qanyare wuxuu sheegay in Qaran uu ku dhisan yahay 3 walxood oo kala ah Dal, Dad iyo Sharci hadduu intaas salka ku haynin wax Taagnaan kara aysan jirin.
" Waa in qof walba uu sharciga ka hoos maraa markaas ayaa dowlad jiri kartaa lakiin sidaan kuma aqoonsani Ra`iisul wasaare iyo Madaxweynaba" sidaas waxaa si kulul u sheegay qanyare oo markaasi ka hadlaayay Ra`yiga uu ka qabo kulan uu ku baaqay Ra`iisul wasaare Geedi in uu la Yeesho Xubnaha labada gole ee Muqdisho.