Ninkii lagu tuhunsanaa in uu ka dambeeyay gowraca labo Nin oo ka soo jeeda Beesha Jareerweyne oo gacanta lagu soo dhigay

 Khamiis, November 24, 2005(HOL): Guddoomiyaha Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah ee Magaalada Muqdisho Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa galabta shaaca ka qaaday in ay ciidamada Maxkamaduhu gacanta ku soo dhigeen nin lagu tuhunsanaa in uu ka dambeeyay gowrac dhawaan Muqdisho loogu geystay labo nin oo ka soo jeeday Beesha Jareerweyne.
 
Shiikh Shariif waxaa uu sheegay in ninkaasi ay ka soo qabteen deegaanka Dermooley oo ka tirsan Degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, iyadoo soo qabashadiisana aysan wax dhiig ah ku daadan, iyadoo horay loo sheegayay sida Sheekhu sheegay in ninka uu ahaa nin heystay Gadiidka Dagaalka iyo weliba Ciidamo balse markii la soo helayay uu kaligiis ahaa.
 
Ninkan oo lagu magacaabo C/qaadir Xasan Maxamed Dheere oo haatan ku jira Xabsiga Midowga Maxkamadaha ayuu Shiikh Shariif sheegay in baaritaan lagu sameyn doono, isla markaana haddii dembiga loo heysto uu ku cadaado la marin doono waxa ay Shareecada Islaamka arrintiisa ka qabto.
 
Ninkan ayaa loo heystaa in uu ka dambeeyay dil gowrac ah oo Muqdisho loogu geystay labo wiil oo ilmo adeer ahaa, kuwaasi oo lagu kala magacaabi jiray Xaaji Saalax Xaaji Ibraahim iyo Abuukar Xaaji Xasan, kuwaasi oo meydkooda iyagoo garba duuban, isla markaana dhuunta iyo surka ka gowracan laga helay agagaarka Warshaddii Kabka ee magaalada Muqdisho.
 
Ilaa hadda ma cadda sababtii loo gowracay labadaas wiil, marka laga reebo warar is-bar bar yaacaya oo qaarkood ay sheegayaan in ninka dilkooda ka dambeeyay iyo iyaguba ay dhareer wadaag ahaayeen, isla markaana ay muddo wada noolaayeen, halka warar kalena ay sheegayaan in marxuumiinta iyo gacan ku dhiiglaha ay isku maan-dhaafeen arrimo dhaqaale.
 
Dhanka kalena, waxaa maanta magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hotelka Ambassador isugu yimid Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeday Beesha Jareerweyne, kuwaasi oo isu imaatinkooda ku cambaareynayay falkaas lagula kacay wiilashii Beeshooda ka soo jeeday, wuxuuna Xaaji Aadan Xuseen Maxamed oo Odayaashaas u hadlay uu sheegay in haddii ay dadka Gobolka Banaadir arrintaas wax ka qaban waayaan ay iyagu tallaabo qaadan doonaan, isla markaana ay banaanbaxyo ka dhigi doonaan toban Gobol oo ay beeshooda degto, sida uu hadalka u dhigay

Dib uga noqo

================================================================================================

Dil wuxuushnimo leh oo loo gaystay wiilal ka soo jeeda Beesha Jareer-weyne

Muqdisho- 21.November.2005

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa si kala gooni ah 24-kii saac ee la soo dhaafey dilal fool xun loogu geystey dad rayid ah.

Saaka hiirtii waaberi ayaa waxaa lagu arkey wadada Warshadaha gaar ahaan agagaarka Kuliyadii Culuunta siyaasada ee magaalada Muqdisho oo laba nin oo dhalinyaro ah oo garbaduub loo xirey isla markaana Mindi ama toorey lagu gawracey.

Labadan nin,
oo lagu kala magacaabi jiray Xaji Salax Xaji Ibrahim Xaji Cali iyo Abukar Xaji Xasan Xaji Cali, ayaa sida warar aan la hubin ay sheegayaan waxay kala ahaayeen darawal iyo kirishbooy, waxaana la sheegay in meydkooda la soo dhigey halkaasi isla markaana ay yaaleen ilaa iyo waaberigii saaka oo ay qaateen dad ehelo ay yihiin marxuumiinta sida foosha xun loo diley.

Isla maanta duhurnimadii ayaa dadweynaha xaafada Siinaay ee waqooyiga magaalada Muqdisho waxay ku baraarugeen meydka laba qof oo si fool xun loo diley oo inta la gawracey meydkooda la dhigey inta u dhaxeysa Suuq Bacaad iyo Siinaay, iyadoo sidoo qof kale oo dhaawac ahaa laga ag helay dadkaasi meydka ahaa balse markii dambe ku geeriyoodey Isbitaalka Keysaney

Ciidamada Maxkamada Islaamiga ah ee Siinaay ayaa waxay shaaca ka qaadeen in falkan uu geystey nin la sheegay in dadkan uu gawracey uu waydiistey lacag baad ah isla markaana ka kaxaystey gurigooda, dabadeedna unuunka ka jarey.

Taliyaha maxkamada islaamiga ah ee Siinaay Max'ed Max'uud Cayrow ayaa sheegay in ninkii falkan bahalnimada ah geystey uu baxsadey oo ay ku raad joogaan, balse ay soo qabteen Hooyadiis iyo gabar la dhalatey.

Dadkan maanta lagu gawracey Siinaay ayaa la xaqiijiyey inay yihiin dadka laga tirade badan yahay, waxaana falka dilkooda si aad ah uga xumaadey dadweynaha deegaanka oo ugu baaqey Maxkamada Siinaay inay soo qabtaan oo sharciga lala tiigasado gacan ku dhiiglahaas.

Dilalka dadka rayidka ah lagula kacayo ayaa mudooyinkan waxay magaalada Muqdisho ka noqdeen tusbax afka laga furey, tiiyoo meesha ay ka maqan tahay nidaam maamul oo la xisaabtamaya dadka caadeystey daadinta bulshada rayidka ah ee raagta daran.

Dib uga noqo

Duugtii iyo Tacsidii Faay Maa,uud Cabdi ayaa maanta ka dhacday Guriga Walaalkeed oo ku yaala Magaalada Muqdisho.

Nov.18/05

Cabdi Cismaan oo la dhashay Faay Maa'uud Cabdi ayaa Gurigiisa oo ku yaala Xaafada Madiina ee Magaalada Muqdisho ay ka dhacaday Maanta Duugtii iyo Tacsi loo Dhigay Faay Maa,uud Cabdi oo ku Geeriyootay Degmada Jilib Talaadadii la soo dhaafay.

Faay Maa,uud Cabdi oo u dhimatay Dhaawacii kasoo gaarey Dabkii ay sida arxandara ahayd ugu Gubtay Haweenay ku sheegatay lacag Shilin Soomali ahayd oo u Dhiganta 22 Dolar ayaa mudo ku jirtay Isbitaal Madiina ee Magaalada Muqdisho iyadoo markii ay roonansho dareentayna u anbabaxday degaanka ay ka soo jeedo ee Jilib/Gosha.

Faay Maa'uud waxay markale isbitaal kasii gashay degmada Mareeray/Gosha oo ay jiiftay laba bilood sida uu jiimonet u sheegay walaalkeed Cabdi Cismaan, marka ay dareentay xoogaa caafimaad ahna waxay muddo ku noolayd degmada Jilib/Gosha.

Faay Geerideeda ka hor, waxa ay dhashay wiil, wiilkaas oo ay uurkiisa lahayd markii la gubayay, wiilkaasina waxaa uu dhintay markii uu dhashayba, iyada oo ay dhaqaatiirtu ku tilmaameen in uu wiilkana u dhintay dhaawicii uu dabku ugu gaystay uurka hooyadii.

Faay ayaa xanuunku uu ku soo kacay markii ay dhashay kadib, iyada oo barartay waxayna ka sheeganaysay feerta bidix ee u danbaysa, jirka ayaa markaana wada bararay kolkaasi ayey geeriyootay marxuumad Faay Maa'uud Illaahay Naxariistii Janno ha ka waraabiyo. kuwii sidaa u galayna Illahay ha ka jaasiyo.

Faay geerideeda waxaa sababay gacan ka xaqdaran, oo si Bani,aadanimada kabxsan u gubtay, taas oo adduunka ku cadaabtay iyada oo qof bashar ah aan loo banayn in uu wax cadaabo, waxaana Ilaahay kabarinay in uu ka jaa'iso siiyo.

Tacsida maanta iyo Duugta Faay Maa'uud ayaa waxaa isugu yimid dad badan oo ah kuwa u olaleeya Dhawridda Xaquuqda  Aadamaha iyo shaqsiyaad nabadda jecel, waxaana kamid ahaa Ururka Daryeelka Dhibanayaasha Soomaaliyeed Masuuliyiintiisa, iyo dadwene farabadn oo dhamaantood Faay ugu duceeyay in Illaahay Naxariistii Janno uu kawaraabiyo.

Cabdi Cismaan oo la dhashay Faay ayaa u mahadnaqay Shaqsiyaadkii Faay Maa'uud kaalmada u soo diray markii dhibka loo gaystay, iyo Saxaafada gudaha oo uu sheegay in ay qayb ka qaateen kaalmadii Faay, isaga oo si gaar ah ugu mahadceliay Wabsidka jiimonet iyo Ideecada Horn Afrik.

Faay, Maa'uud Cabdi Alle ha u naxariisto, waxay ifka ugu tagtay wiil iyo gabar yar-ya,r oo kala jira 3 iyo 4 sano, kuwaas oo maanta rajanimo ay la soo daristay.

Dhanka kale, Waxaa halkan si tiraanyo leh ugu tacsi dhammaan eheledii iyo qaraabdii ay ka geeriyooday marxuumad Faay Maa'uud Cabdi, Naxariistii Janno Allaha ka waraabiyee. Kadib marka ay horey u qabtay dhaawac gubis ah, dhaawacaas oo ay u geesatay Haweeney naxariista Eebe Alle ka qaadee u geysatay. Gabadhaa shihiidnimada ku geeriyootay Eebe ha u naxariistee.
Dadkaaan tacsida diraay ayaa waxay kala yihiin:


Suleymaan Daahir Bocorey Guddoomiyaha (Hay'ada Xuquuqul Insaanka ee Jareerweyne)
Cali Maxamed Cabdi (Cali Afrika) Guddoomiyaha (Xisbiga SAPFED)
Cabadi Bashir Xersi (Guddoomiyaha Hay'adda Green Hope)
Nimco C/naasir Maxamed Guddoomiyaha Horu-marinta Haweenka Jareerweyne.
Farxiyo Xaaji Sugow. Xog. Ururka Dhalinyarada SAYO
Muktar Bashiir Muudey Xubin Ururka Dhalinyarada SAYO
C/raxmaan Daahir Ibraahim Xubin SAYO

Aad baan ugu xunahay (INNAA LILAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN). Ilaahow u naxariiso Faay Maa'uud. Aamiin Aamiin Aamiin Yaa Allaah.
Nairobi
Annagoo kala ah:

Wabilaahi Towfiiq

Dib uga noqo