Kulan ballaaran oo beesha Makanne ku qabatay magaalada Muqdisho oo War-saxaafadeed laga soo saaray.

Okt.25/05

Xigasho,

Jiimonet.com

Kulankan oo ka dhacay guriga Malaaqa beesha Makanne, Malaaq Muxumad Xuseen Magan oo ku yaalla xaafadda Hodan ee magaalada Muqdisho, ayaa lagu martiqaaday qaybaha saxaafadda oo uu bogan jiimonet ka mid ahaa.

Kulankan oo ay isugu yimaadeen nabadoono iyo siyaasiyiin ka tirsan beeshaasi Makane, ayaa looga hadlayay wax lagu tilmaamay Boobka Xilalka gobalka Hiiraan. Waxayna ka qeyngalayaasha shirkan si aad ah ugu dheeraadeen in beesha Makanne aan laga laheyn jagada Duqa_Magaalada B/weyne, iyadoo golaha guurtida gobalka Hiiraan ay dhowaan u gudbiyay Gudoomiyaha Gobalka mastar Dabageed in Duqa Magaalada Beledweyne uu noqddo Cilmi Saneey Qaasim oo ka soo jeeda beesha Xawaadle, Waxayna beesha Makanne talaabadaasi ku tilmaameen, tallaabo khalad ah. Waxayna beesha Makanne sheegeen inaysan ka mid aheyn ayna aqoonsaneed golaha loogu magacdaray, Golaha Guurtida ee gobolka Hiiraan, Waxyna Beesha Makane sheegeen; in beesha Makanne aysan aheyn beel guurguurta, balse ay tahay beel Maguurto ah.
 

Md. Cabdi Ibraahim Ciid oo ka mid ahaa siyaasiyiintii ka soo qaybgalay kulankaasi, ayaa si caro leh u sheegay in qaska ka socda maamul u sameynta gobalka Hiiraan ay tahay mid dhibaato keeni karta, isla markaana ku socota jid xaq darro, waxaana uu intaasi sii raaciyay; in hadii la isku qiimeynayo dad la laayey iyo dulmi la galay, waxaa la arki doonaa talllaabo cusub oo beesha Makanne aan horey looga baran, waxaa uu mudane Ciid sheegay;  in qofna korkiisa uusan bir aheyn, sidaa darteed hadii ay noqotay in xabbad la isku qiimeeyo in Makanne uusan ka waabaneynin, waa sida uu hadal u dhigaye.
 

Waxaa kaloo halkaasi ka hadlay C/raxmaan Mataan Cadar oo ah siyaasi Makanne, waxa uuna ka sheekeeyay sida uu makane u yahay beeshii ugu horaysay ee Baladweyne ku soo dhawaysay beelaha kale, sidaa darteedna ay xaqa ugu wayn ay iyagu leeyihiin, isagoo sheegay in Makane ay dadka dariska ah xoolaha laga dhaco u soo dhicin jireen, maantana lakala hub batay balse la isyaqaano ninba waxa uu ahan jiray.

Dadka halkaa ka hadlay ayaa dhamaantood sheegay in magaalada Baladweyne loo horseedayo dagaalo cusub, haddiiba beesha  Makanne xaqeeda la duudsiyo.

Waa markii ugu horaysay ee beesha Makanne sheegto in ay dagaalami haddii la duudsiyo xaqeeda tan iyo intii la dhisay Dawlada KMG ah .

Odayaashii iyo waxgaradkii ka soo qaybgalay kulankaasi waxaa ka mid ahaa Malaaq Muxamed Xuseen Magan Malaaqa Beesha Makanne, Cabdi Ibraahim Ciid, C/raxmaan Mataan Cadar, Col. Maxamed Cumar Maxamuud, Cabdi Yuusuf Bareeg, C/Salaan Cali Xalaal, Kusimaha Ugaaska Sheekh Xuseen Cismaan, Mustaf Sheekh Ibraahim, Maxamed C/dulle Aadan, Ibraahim Cismaan Ibbi, iyo waxgarad kale oo fara badan.

Dib uga noqo