Siyaasi Maxamed Dheere oo hadallo aflagaaddo ah ku hadlay
February 5, 2004
"Amar
nama siin karo jereerka Misyooko la yiraahdo, mana ogolaaneyno in C/qaasim la
yiraahdo madaxweyne" sidaasi waxaa yiri Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere),
gudoomiyeha mamulka gobolka Shabeelaha dhexe.
Maxamed Dheere ayaa sheegay in aysan aqbalayn in ay shirka sii jogaan, haddii aan wax laga bedelin qodobo uu sheegay in la hoos geliyay oo ay gadaal ka riixayaan wax uu ku tilmaamay dad dano gaar ah ka leh shirka.
Wuxuu sheegay in waxyaabaha qaldan ay ka mid yihiin C/qaasim oo sheeganaya madaxweyne oo hadana goob-joog ahaan ku saxiixay shirka, waa sida uu hadalka u dhigaye, wuxuuna Maxamed Dheere oo iminka ku sugan magalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabelaha dhexe u muuqday mid si weyn uga soo horjeeda hadalka wasiirka arrimaha dibada Kenya.
Dhinaca kale, Cabdala Deeroow Isaaq, Gudoomiyihii hore ee golaha baarlamanka ee dolwada kmg-ah ee xilligeeda rasmiga ah uu dhamaaday ayaa isna ka hadlay hadalkii ka soo yeeray wasiirka arrimaha dibada Kenya maalinnimadii shalay, wuxuuna sheegay deeroow in aysan soconeyn hanjabaadii loo soo jeediya, wuxuuna sheegay in uusan shirka socon karin haddii ay ka baxaan labaatanka hogaamiye eeku sugnaa magaalada Nairobi.
Hadalkan Wuxuu Cabdala Deeroow ka jeediyay shir jaraa'id oo maalinnimadii shalay ay magaaladaNairobi ku qabteen qaarka midah hogaamiyeyaasha ku jira golaha SRRC, kuwaas oo ka soo horjeeday qodobo ay markii hore saxiixeen, hase yeeshee ay sheegeen in lagu qiyaanay.
si kastaba, Hadalada ka soo yeeraya wasiirka arrimaha dibada Kenya kolonyo Misyoko iyo hogaamiyeyaasha golaha SRRC ayaa u muuqda kuwa iska soo horjeeda oo is burinaya, waxaase socda sida ay sheegayaan warar aan la shaacin oo na soo gaaray dadaal ay wadaan beesha caaalamka iyo guddiga fududeynta, kaas oo lagu doonayo in lagu dhameeyo.
Maxamed Cali Maxamud (Madka)
Xafiiska markacadeey ee Muqdisho
===================================================
Inta aan Muddullood ahayn Gobolka dul saar ayay ku yihiin. Ruunkinet 13/10/02
Waa
nasiib darro in dadka ay dhahaan amaba ku maahmaahaan "Derisnimo waxaa leh
Abgaal", halka Maxamed dheere, oo ah ninkan ku sawiran midigta qoraalka, oo mar
walba ka hadla gardarada H/gidir uu maanta ku hadlo hadallo laga yaxyaxo isla
markaana laga shiixo sida uu qoray Webpageka Ruunkinet, kaasoo uu maxamad dheere
ku sheegay in Gobolka Shabeelaha Dhexe uu iska leeyahay Abgaal.
Maxamed dheere, siyaasi Abgaal, ayaa si uu aqoonsi iyo taageero uga helo beeshiisa uu doonaayo in uu ka dhaadhiciyo waxmagaratada iyo maangaabka beeshiisa si ay ugu taageeraan qaladkiisa iyo mabdi'iisa qaldan ee dhulbalaarsiga ah, kaasoo ay iska leeyihiin dad taariikh, magaca iyo maamuus ku leh umada Soomaaliyeed inteeda waxgaradka iyo nabadda jecel waa "SHIIDLE" oo ah beelaha uga caansan Qowmiyadda Jareerweyne.
Hadii mooriyaan leysku hareereeyay ay wax tari karto, taariikhda ayaa sheegtay, mustaqbalkana sheegi doonta.
Balse waxaan jeclaan lahaa in waxgaradka iyo aqoonyahannada Abgaal ay waaniyaan kana jawaabaan maqaalkan qaldan ee uu soo qoray siyaasigooda Ayaamaha Cusub.
Aqoonyahannada iyo Waxgaradka Jareerweyne ee North America.