Xildhibaan Colaad Rooble oo la kulmay General Morgan
Xigasho, Jiimonet
Muqsiho

Wada hadallo dhex maray Xildhibaan Suleyaan Colaad Rooble oo ka mid ah Xildhibaanada beesha Jareerweyne ee la fikirka ah labada gole dowladda ee ku sugan magaalada Mogadisho iyo Jan. Maxamed Saciid Moorgan, wada hadaladaan oo ku dhamaaday is afgarad labada dhinac ah, ayaa waxaa looga hadlayey; siddi gobolada Jubbooyinka ay u heli lahaayeen jawi ka duwan midka manta ay ku suganyihiin dadyawga dega labada Jubbo oo uu mar ka talin jiray Janaraal Morgan.
Janaraalka iyo Xildhibaan Suleymaan Colaad ayaa isku aragti ka noqday sida ay uga xunyihiin xaalufinta geed miroodka hadda ka socda gobolada Jubbooyinka, ayadoo inta la soo xaalufiyey dhirta inteeda kale, hadeer la jarayo, geedaha sida; Cambaha, Naarjiinka, Raqayga, Shanfaroodka, Mandharuugga, Beedaanka, Seytuunka, Liinta, oo dhamaantood ah hanti ma guurto ay leeyihiin dadka dega degaankaasi, kuwa gurtana ay yihiin kuwa xaraan iyo qore caaradiisa ku haysat degaankaasi, oo ka ganacsaday Dhuxusha.
Labadan mas'uul ayaa waxay arintan xaalufinta dhir-miroodka ku shaageen anay tahay mid laga xumaado, islamarkaana ah arrin runtii qatarteeda leh, waxayna ugu baaqeen dadka ku howlan gubista iyo jarida geed miroodyada inay joojiyaan, isla markaana waxaay xaaraan ku tilmaameen ka ganacsiga dhuxusha laga shidaa geed miroodyada waxayna ka codsadeen dhamaan waxgaradka Soomaaliyeed in laga hortago ka ganacsiga dhuxusha laguna gubayo geed miroodyada caanka ku ah gobolada jubbooyinka, isla markaana ah kuwa mirahooda la cuno, harkoodana la harsado.
Dhanka kale, Gudigii uu Gudoomiyaha Baarlamanka u xil saaray maamul u sameynta gobolka Banadir ayaa kulan dheer oo ay maanta ku yeesheen Hotelka Amiira waxa ay ku heshiiyeen 64 xubnood oo uu yeelanayo maamulka gobolka Banadir.
Kulankaan oo ahaa mid xasaasi ah isla markaana ay albaabada u xirnaayeen ayaa gabagabadii waxaa saxaafadda uga war bixiyay waxyaabihii kulanka la iskula soo qaaday afhayeenka xubnaha labada gole ee Muqdisho Col. Cumarxaashi Aadan, oo sheegay in ay isku raaceen 64 xubnood oo ah Gole degaan oo u yeelanayo maamulka cusub ee gobolka Banadir, isagoo sheegay in ay qeybiyeen qaabkiii beelaha Somalida u kala qaadan lahaayeen xubnaha golahaasi cod…..
Cumar Xaashi waxa uu intaasi ku daray in maalinta berri ah kulanka ay yeelanayaan xubnaha Muqdisho ay u gudbin doonaan go’aanka ay maanta gaareen, iyadoo xubnaha baarlamankuna uu ansixin doono. Waxa uu sheegay in xubnaha lagu heshiiyay maanta oo xeerka maamulka gobolka Banadir tilmaamayo in ay awood u leeyihiin dhisitaanka maamulka gobolka Banadir, isagoo intaasi raaciyay in Berri ay soo bandhigi donaan saamiga qabiilkasta uu ka helay xubnaha golahaasi. Gudigii Loo xilsaaray maamul u sameynta gobolka Banadir oo ka kooban 57 xubnood ayaa iyagu tilmaamay in ay ku guuleysteen sameynta xeerka dhismaha maamulka cusub ee gobolka Banadir.
Kulankii maanta oo saacado badan qaatay ayaa waxaa ka qeybgalay xubnaha wasiirada ee Muqdisho ku sugan iyo xildhibaano fara badan oo sababta ay howlaha la xiriira maamulka gobolka Banadir ay u wadaan uui Cumar Xaashi ku macneeyay in aysan aheyn in iyagu ay maamul magacaabayaan balse ay u fududeynayaan qaabkii dadka gobolka ay wax ku dooran lahaayeen.
Jowhar:
Wafdi ka socda Midowga Yurub oo manta Soo gaaray Magaalada Jowhar kadibna kulan la qaatay Madaxda Dowladda

Wafdi ka socda Midowga Yurub ayaa saaka waxa ay soo gaareen Magaalada Jowhar oo fariisin kmg u ah Dowladda Soomaaliya.
Wafdigan oo uu hogaaminayay Richard Hands oo ah Danjiraha Midiowga Yurub u fadhiya Kenya Isla matkaana qaabilsan Arimaha Soomaaliya ayaa socdaalka ay ku soo gaareen Jowhar la xiriiraa arimo badan,safarka Danjirahaas waxaa ku wehliya Dr. Wliid Muusa oo isagu Xafiiska Midowga Yurub u qaabilsan Arimaha Siyaasada Soomaaliya.
Kulan saaka dhex maray Ra’iisul Wasaare Geeddi, qaar ka tirsan Golahiisa wasiirada iyo wafdiga ka socda Midowga Yurub waxa ay ka wada hadleen sii xoojinta xiriirka ka dhaxeeya Midowga Yurub iyo Dowladda Soomaaliya.
Danjire Richard Hands ayaa ugu horeyn uga tacsiyay falkii waxshinimada ahaa ee loo geystay Ra’iisul Wasaaraha ee ahaa qaraxii lala beegsaday kolonyadii la socotay Ra’iisul Wasaaraha,Dajiraha waxa uu tacsi u diray qoysaskii ay ka geeriyoodeen dadkii ku waxyeeloobay qaraxaas,isagoo dadkii kale ee dhaawaca soo gaaray u rajeeyay in caafimaad,Danjiraha waxa uu sheegay in Midowga Yurub ay kaalmo bani’aadinimo ah u fidisay Raga dhaawaca soo gaaray.isagoo sheegay in daaweynta dadka dhaawacmay ay dhaqaalo ku bixiyeen Midowga Yurub,kadib diyaarad qaas ah oo soo dirtay lagu daad gureeyay dakii waxyeelabay,isla markaana loo qaaday Magaalada Nairobi oo iminka lagu dabiibayo qaarkood.
Shirka manta dhex maray Dowladda iyo Midowga Yurub waxaa looga hadlay safarka dhowaan ee uu Ra’iisul Wasaare Geeddi ku tagi doono magaalada Brusless ee ah xarunta Midowga Yurub,waxaana la isku soo qaaday kulamada uu Ra’iisul Wasaaraha la yeelna doono Madaxda Midowga Yurub iyo barnaamijyada Dowladda damacsan tahay in ay gudbiso Midowga Yurub.
Dhanka kale Wafdiga Midowga Yurub ayaa soo booqday Madaxweyne C/llaahi Yuusuf,iyagoo Madaxweynaha u sheegay in Midowga yurub aanu aqoosaneyn khilaaf laba dhinac ah oo Dowladda ka dhaxeeyo,waxeyna Madaxweynaha Wafdiga u sheegeen in Midowga Yurub uu aqoosan yahay Xubnaha Dowladda eek u sugan Jowhar.
Jaamacada Carabta iyo Dowladda Soomaaliya oo go’aano kasoo saaray shirkoodii shalay dhex maray
Jaamacada Carabta iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa maalintii shalay dhex maray kulan xasaasi ah kaas oo ay uga hadlayaan Arimaha Soomaaliya,iyadoo kulanka uu kasoo baxay go’aano fara badan.
Shir jaraa’id oo saaka si wada jir ah u wada qabteen Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya C/laahi Sh. Cusmaaciil iyo u qeybsanaha Arimaha Soomaaliya ee Jaamacada carabta Samiir Al Xusni ayaa wax ay ka hadleen qodobo fara badan oo ay soo saareen labada dhinac ee Dowladda iyo Jaamacada Carabta.
Qodobka ugu horeeyay ayaa waxa uu yahya
1-in arimaha Soomaaliya Dib u heshiisiin Soomaaliyeed lagu dhex wado qeybaha sharciyeed ee Dowladda.
2-Dowladda Federaalka soomaaliya ay ka shaqeyso isku xirka Jaamacada carabta taas oo ay soomaaliya ka furanayaan Xafiis,iyadoo la raacaayo shirkii Aljeris iyo taageerida mirihii kasoo baxay shirkii dib u heshiisiinta
3-in Jaamacada carabta udub dhexaad ka noqoto Jawiga soomaaliya
4-ahmiyada jaamacada Carabta ay sii wado balanqaadka Dowladaha carabta ee dhaqaala siinta Soomaaliya in ay ku booriso
5-shir lagu falan qeynayo dib u dhiska Soomaaliya kadib diyaarinta Daraasada ay qabato Jaamacada Carabta taas oo dhaqaalo lagu siinayo Soomaaliya dib udhiskeeda.
Go’aanada kasoo baxay labada dhinac ayaa waxa uu ahaa qoraal af carabi ah iyo qoraal afsoomali ah kaas oo ka hor aqrinayay saxaafada Wasiirka A. Dibadda C/laahi sh. Cusmaaciil.
Go’aamada kasoo shirka Dowladda iyo Jaamacada carabta waxa uu noqonayaa mid ay Wafdiga u gudbiyaan Xoghaya Guud ee Jaamacada carabta Caamir Muusa.