Midnimo Information Center
mic 16 - 10 - 2005 - Wararkii ugu dambeeyay ee arrimaha Soomaaliya

Mowliid Macaan oo cambaareeyay Hey’adaha
Unesco iyo Unicef

 

Xigasho, Midnimo

Shir Jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Xafiiskiisa Wasiirka Dhulka iyo Deegaameynta Dowladda Soomaaliya ayaa waxa uu cambaareyn dusha kaga Tuuray Hey’adaha Qaramada Midoobey u kala qaabilsan dhanka waxbarashada iyo caruurta iyo Hooyooyinka oo marka magacooda lasoo gaabiyo loo yaqaan UNICEF iyo UNESCO isagoo ku tilmaamay in ay liideen xuquuqda Beelaha Jareer Weyne.

Hadalkan ayaa yimid kadib markii dhowaan uu soo baxay buug lagu magacdaray Cilmiga Bulshada gaar ahaan Fasalka Lixaad ee Dugisyada Dhexe kaas oo loo qeybiyay dhamaan Ardayda Soomaaliyeed,buugan ayaa la sheegay inuu ka turjumayo in Beesha Jareer Weyne la doonayo in la faquuqo.

Mowiid Macaane ayaa waxa uu ku beeniyey shirkan jaraaid in Beelaha Jareerweyne aysan ahayn kuwo ku liita diinta islaamka balse waxa uu xaqiijiyey in beelaha jareer weyne ay yihiin kuwo caan ku ah diinta islaamka ayna ka dhasheen mashaa’iq waaweyn.

Wasiirka waxa uu sheegay in loo baahan yahay in si dhab ah loo eego loogana fakaro manaahijta ardayda loogu dhigayo dugsiyada,Wuxuuna wax laga naxo uu ku tilmaamay Liidista loo geystay beelaha Jareer weyne oo uu sheegay inay yihiin Dad iyaga Somaliya loogu Yimid,Wasiirka waxa uu sheegay in Ragga qoray Buugaasi ay doonayaan inay Barakiciyaan dad deegaan ah Balse taasi aanay dhici doonin.

Mowliid Macaan ayaa sheegay in ay tahay siyaasad cusub oo la doonayo in beelaha jareer weyne looga saaro soomaalinimada, kadib markii buugaas lagu qoray in beelaha jareer weyne ay yihiin dad kazoo hayaamay wadamada Angola iyo Muzambiq.

Mowliid waxa uu sheegay in beelaha Jareer Weyne ay yihiin kuwa ugu soo horeeyay Dhulka Soomaalida “waxaa ayaan daro ah in beelaha Jareer Weyne oo tiradoodu gaareyso 2milyan iyo bar la yiraahdo soomaali ma ahan taas wax dhici karto maahan”.

Mowliid waxa uu shirkiisa Jaraa’id ku sheegay in in ay jiraan kooxo yar oo mushunguli ah oo la dejiyay Gobolada Jubooyinka kadib markii gudmeystayaasha Jarmalka iyo Ingiriiska ay ka keeneen qaar ka tirsan wadamada Geeska Afrika,wuxuuna carabka ku dhuftay in iminka ay dadkaasi mushunguliga ay ka tirsan yihiin beesha jareer Weyne

Dhinaca kale Mowliid Macaan waxa uu shirkiisa Jaraa’id kaga Hadlaya Siyaasada adage e xiligan ka jirta Soomaaliya, isagoo sheegay in khilaafka Dowlada uu yahay mid u baahan xalin ‘max’ed Qanyare ma ahan inuu u dhaqmo sida Duulalka Xaaji Suleymaan oo uu ka yiraahdo Idaacadaha Jowhar ayaa weeraraa Air-port-gaa weeraraa,max’ed Qanyare waxaan leeyahay ha joojiyo Dowlad naceybka iyo hadalada Xun oo uu ku hadlayo,Max’ed Qanyare hadii la celin Karin tolkiisa ayaa celinayo,aniga G8 ayaan ka wada tirsaneen,sxbkey Max’ed Qanyare waxaan u sheegaa in uu joojiyo waxyaabaha qaar oo uu ku kacayo ayuu yiri Mowliid Macaan.

Dib Uga Noqo